Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo tababar u soo xiray Cutubyo ka tirsan Booliiska Puntland

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Maanta oo Sabti ah tababar usoo xiray cutubyo ka tirsan Ciidamada Booliska Puntland.

Ciidamada ayaa dhammaystay Tababar mudda saddex bilood ah uga socday Xerada Ciidanka Xorgoble ee Magaalada Qardho, halkaas oo lagu tababaro Ciidamada kala duwan ee Puntland.

Munaasabadda Xiritaanka, waxa Madaxweyne ku xigeenka kala qayb-galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Puntland, oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddiga Dib –habaynta Ciidamada ahna Wasiirka Maaliyadda Xasan Shire Abgaal iyo xubno kale.

Sidoo kale, waxaa goob-joog ahaa Taliyaasha Ciidamada Difaaca Puntland Gen. Yaasiin Cumar Dheere, Taliyaha Ciidanka Booliiska Gen. Cabdi Xasan Xuseen iyo saraakiil kale oo ka tirsan Daraawiishta iyo Booliiska Puntland.

PUNTLAND POST