Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in uu laba Arrimood dartood uga tanaasulay Doorashadii qof iyo cod

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay khudbad ka jeediyay Kulan Casho Sharaf ah, oo uu u sameeyay Madaxdii ka qayb-gashay Shirkii Muqdisho, ayaa si daah-furan uga warramay culaysyadii uu kala kulmay  Madaxda Dowlad Goboleedyada mudadii ay socdeen Shirarkii Arrimaha Doorashada.

Madaxweyne Farmaajo, wuxuu sheegay in uu shaki badan ka qabo in dhammaan Madaxda Dowlad Goboleedyadu ay isaga u heshiiyeen, si meesha looga saaro Mowqifkiisi ku aaddanaa in ay dalka ka dhacdo doorasho ku salaysan Hannaanka qof iyo cod.

Madaxweynuhu wuxu tilmaamay, in Shirkii Dhuusamareeb 3 uu ka qaaday shaki la xiriira in Madaxda Dowlad Goboleedyada oo dhan ay horay isaga ugu heshiiyeen, si loo fashiliyo Go’aankiisa ku aaddan Doorashada soo socota, taas oo uu xusay in baaritaan lagu sameeyo.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in Shakigiisu sii xoogaystay kadib markii Madaxda Dowlad Goboleedyada qaarkood oo Heshiiskii Dhuusamareeb 3 wax ka saxiixay ay haddana kaga mowqif duwanaadeen Shirkii Muqdisho, islamarkaana la mowqif noqdeen Puntland iyo Jubaland.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa sidoo kale sheegay in uu isagu tanaasul muujiyay, kadib markii uu garowsaday Midnimada iyo Wadajirka Dalka, si aysan khilaafkii taagnaa uga faa’idaysan dalal uu sheegay in ay jecel yihiin Qalalaasaha Soomaaliya.

Halkaan ka daawo Hadalkiisa oo dhan

PUNTLAND POST