Diyaarad ku burburtay Muqdisho

Diyaarad nooca xamuulka qaada ah ayaa saaka ku buruburtay afaafka hore ee darbiga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Diyaaradda oo ay la hayd shirkadda Silverstone ee dalka Kenya, waxaa sarnaa 4 qof oo isugu jiray duuliyeyaal iyo shaqaale, kuwaas oo saddex kamid uu soo gaaray dhaawac, haatana lagu daawnaynayo mid kamid ah isbitaalada Muqdisho.

Diyaaradda ayaa markii hore xamuul u qaaday ciidamada AMISOM ee degan magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, balse waxay dib ugu laabatay Muqdisho, markii ay soo wajahday cilad.

Dhowr jeer oo hore ayaa diyaarado ku burbureen garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo daroomo kale oo ku yaalla koonfurta Soomaaliya.

Gudaha Soomaaliya, waxaa ka shaqeeya diyaarado gaboobay, oo dunida mar hore laga macnuucay.

PUNTLAND POST