Mahdi Guuleed oo u hambalyeeyay Ra’iisul wasaaraha cusub

Sii hayaha ra’iisul wasaaraha dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa u hambalyeeyay ra’isulwasaaraha cusub Maxamed Xuseen Rooble ee uu xalay magacaabay madaxweynaha Dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxaan hambalyo u dirayaa mudane  Maxamed Xuseen Rooble oo madaxweynaha Jamhuuriyaddu u magacaabay xilka Ra’iisulwasaaraha  dalka. Waxaan u rajeynayaa guul iyo in uu Eebbe la garab galo mas’uuliyadda Qaran ee loo  igmaday.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed sii hayaha ra’isulwasaaraha dalka ayaa alle uga baryay inuu ufududeeyo xilka iyo howsha culus ee loo igmaday R’aiisul wasaaraha cusub.

PUNTLAND POST