Wasiiro ka tirsan Puntland iyo Jubbaland oo la kulmay Beesha Caalamka

Wasiiro ka tirsan Puntland iyo Jubbaland ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay safiiro ka tirsan Beesha Caalamka.

Wasiiru-dawlaha Maaliyadda Dawladda Puntland Maxamed C/qaadir Cismaan iyo Wasiiru- Dowlaha Madaxtooyada Jubaland Xirsi Jaamac Gaani oo ka mid ah waftiga ay hoggaaminayaan Dani iyo Madoobe ayaa kulan la qaatay Wakiilka Qaramada Midoobay u fadhiya Soomaaliya James Swan, Safiirka Uk Ben Fender, Safiirka Maraykan Yamamoto iyo Safiirka Mudowga Yurub Nicolas Berlange Martinez,

Labada Wasiiru-dawle waxaa ku weheliyay kulanka  lataliyaha madaxwaynaha iyo Wasaaradda Maaliyadda Puntland Cisman Seed Celmi

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa la sheegay in diirada lagu saaray kobcinta dhakhliga gudaha, dayn cafinta Soomaaliya, deeqaha aduunku ugu deeqo Soomaaliya, dib uhabaynta hannaanka Maaliyadda Puntland iyo Jubbaland iyo arimaha siyaasada Soomaaliya ee xiligan taagan, waxaana la tilmaamay in kulanku ku dhammaaday is-fahan.

Beesha Caalamka iyo madaxda dowlad goboleedyada ayaa maalmihii la soo faadhay kulamo gaar gaar ah ku qaatay Muqdisho.

PUNTLAND POST