Wararkii ugu dambeeyay ee shirka Muqdisho

Wararkii u dambeeyay ee Puntland Post ka helayso shirka Muqdisho ayaa sheegaya in isfahan laga gaaray intoodii badnaa qodobadii laysku mariwaayay.

Kulankii xalay saqdii dhexe gaaray ee ka qeybgaleen guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo ku simaha Ra’iisul wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed ayaa madaxdu horrumar ka saameeyeen.

Qodobada la isku fahmay

  1. Guddiga ay hoggaamiso Xaliimo Yarey oo lagu daro 6 xubnood oo ay soo magacaabaan dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa maamuulaya doorashada.
  2. Waxaa meesha laga saaray qodobkii xisbiyada.
  3. Degaan doorashada ayaa lagu koobay 2 goobood.
  4. Ergada u codeynaysa xildhibaanada ayaa la isku fahmay in laga dhigo 101, oo ay soo xulaan odayaasha dhaqanka.
  5. Waxaa la isla qaatay in xildhibaan walba goonidiisa loo doorto, oo aan la isla dooran xildhibaanada qaarkood.

Qodobada weli aan xalka laga gaarin.

Inta badan madaxda dowlad goboleedyada ayaa doonaya in war-murtiyeedka lagu caddeeyo xiliga doorashadu bilaamayso iyo xiliga ay dhammaanayso, madaxweyne Farmaajo ayaa qodobkaas ka warwareegaya.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu doonayaa in go’aamada ka soo baxa shirka la horgeeyo baarlamaaka, halka madaxda kale intooda badan ay diidan yihiin.

Shirka ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu ka soo baxo war-murtiyeed lagu mideysan yahay, haddii qodobada weli la isku hayo isfahan laga gaaro.

PUNTLAND POST