Mursal iyo Mahdi oo ku biiray shirka Muqdisho

Waxaa dib u furmay shirkii dowladda federaalka iyo dowlad goboleeyada ee Muqdisho oo labadii maalmood ee la soo dhaafay hakad galay, kadib markii laysku mariwaayay.

Shirka ayaa hadda oo saqdhexe ah ka socda xarunta Villa Somaliya, waxaana ku soo biiray guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo ku simaha Ra’iisul wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed.

Ku soo biiritaan shirka ee Mursal iyo Mahdi Guuleed, waxaa codsaday sida warar xog ogaal ah soo wariyeen madaxda dowlad goboleedyada oo intooda badan isku mowqif ka noqday hannaanka doorashooyinka 2021/2021.

Madaxda dowlad goboleedyada ayaa isku raacsan in meesha laga saaro saddex qodob oo ku jiray heshiiskii Dhuusamareeb 3, kuwaas oo kala ah Guddiga Xaliimo Yarey, xisbiyada iyo in la yareeyo degaan-doorashada, sidoo kale Madaxweyne Farmaajo iyo madax kale ayaa ku dhagan qodobadaas.

Lama yaqaano waxa ay ku soo kordhin doonaan shirka guddoomiye Mursal iyo Mahdi Guuleed, oo aan door ku la hayn shararkii Dhuusamareeb iyo biliwgii shirkan.

Beesha Caalamka, oo il gaara ku haysa shirka, ayaa madaxda Soomaaliya ku cadaadinaysa inay go’aan mideysan ka gaaraan arrimaha doorashooyinka.

Shirka ayaa lagu wadaa in 24 saac gudahood uu ka soo baxo war-murtiyeed lagu mideysan yahay.

PUNTLAND POST