Muqdisho: Qarax lala eegtay ciidan

Degaanka Ceelaha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho, waxaa maanta ka dhacay qarax geystay khasaare.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa miino dhulka lagu aaasay oo lala eegtay gaari ay wateen ciidamao ka tirsan dowladda federaalka Soomaliya.

Goobjoogyaal ayaa xaqiijiyay inay arkayeen askar dhaawac ka soo gaaray qaraxaas, lama oga khasaaraha rasmiga ah ee dhashay qaraxaas.

Qaraxa kadib ayaa la joojiyay isku socodka dadka iyo gaadiidka ee wadada u dhaxeysa Ceelaha Biyaha iyo Muqdisho, inkastoo markii dambe dib loo furay.

Wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaa dhowr jeer oo hore qaraxyo miino lagula eegtay ciidamo ka tirsan dowladda iyo kuwa AMISOM.

Ma jirto cid weli ka hadashay qaraxa lala eegtay dowladda federaalka Soomaaliya.

PUNTLAND POST