6 wadaad oo lagu dilay Shabeellada Dhexe

Degaanka Raage Ceelle ee gobolka Shabeellada Dhexe, waxaa subaxnimadii hore ee saaka koox hubeysan ay ku weerartay 7 wadaad oo meel miyi ah u joogay quraan saar.

5 kamid ah wadaadada ayaa ku dhintay goobta lagu weeraray, halka 2 dhaawac loogu qaaday Muqdisho uu mid kamid ah jidka ku dhintay, sida ay xaqiijiyeen maamulka Raage Ceelle ee falku ka dhacay.

Wadaadkii dhaawaca ahaa ee ka haray wadaadada ayaa la sheegay inay cid ugu dambeysay isagoo loo soo wado Muqdisho, waxaana la ogayn sida ay tahay xaaladdiisa caafimaad.

Ilaa hadda ma jirto cid loo qabtay falkan naxdinta leh, waxaana maammulka degaanka sheegeen inay howlgalo dhacdan la xiriira ay wadaan ciidamo ka tirsan milatariga Soomaaliya.

Degaanka dhibaatadan ka dhacday waxaa horey uga dhacay dilal ku salaysan aanooyin qabiil oo ka dhextaagan beelaha kuwada nool gobolka Shabeellada Dhexe.

Dilka wadaadada ayaa ku soo aadaya, iyadoo billo ka hor degmada Balcad lagu dilay 8 dhakhaatiir ah oo howlo caafimaad ka waday gobolka Shabeellada dhexe.

PUNTLAND POST