Israa’iil oo duqaymo culus ka fulisay Dhulka Falastiiniyiinta

Diyaaradaha dagaalka Yuhuudda ayaa beegsaday bartilmaameedyo ku yaalla dhulka Falastiin kaddib markii dagaal yahannada Falastiiniyiinta ee ku sugan magaalada Gaza ay gentaallo ku tureen Israa’iil.

Militeriga Israa’iil ayaa sheegay in ku dhawaad 10 goobood oo Xamaas leedahay la beegsaday subaxnimadii hore ee maanta oo Arbaco ah kaddib markii 15 gentaal ay ku soo dhaceen koofurta Israa’iil.

Tallaadadii, gentaal laga soo tuurey dhanka Gaza ayaa ku dhacay magaalo xeebeedka Isreal ee Ashdod, laba ruux ayaa ku dhaawacmay.

Illaa iya hadda ma jiraan wax khasaare ah oo ka dhashay duqeymihii u dambeeyey, Isreal waxay sheegtay in gentaalada Xamaas soo tuurtay hawada lagu burburiyay ayna kaga hor tageen hannaanka difaaca gentaallada ee loo yaqaano Iron Dome.

Bayaan ka soo baxay Militeriga Isreal ayaa lagu sheegay in ay beegsadeen laba goobood oo Xamaas hubka iyo qaraxyada ku farsameeyaan iyo goobo kale oo lagu tababaro dagaalyahnada Falastiiniyiinta.

PUNTLAND POST