Qoorqoor oo ku biiray mowqifka Deni iyo Axmed Madoobe

Wararkii u dambeeyay ee Puntland Post ka helayso Muqdisho ayaa xaqiijinaya in Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) uu ku biiray mowqifka Puntland iyo Jubaland ee arrimaha doorashooyinka.

Madaxweyne Qoorqoor, ayaa ku raacay madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland in meesha laga saaro saddex qodob oo ku jiray Heshiiskii Dhuusamareeb 3, kuwaas oo kala ah Guddiga Xaliimo Yarey, xisbiyada iyo afarta degaan-doorasho.

Isbeddelka ku yimid mowqifka Qoorqoor, ayaa ka dambeeyay kulan habeen ka hor dhexmaray isaga iyo Deni, kaas oo lagu xalliyay Ismaan-dhaafkii labada dhinac ee ka dhashay Shirkii Dhuusamareeb 3.

Go’aanka cusub ee Madaxweynaha Galmudug, wuxuu culays saaray Madaxweyne Farmaajo, oo si adag u difaacaya laba kamid ah saddexda qodob ee Puntland iyo Jubaland diiddan yihiin, kuwaas oo kala ah Guddiga Xaliimo Yarey iyo afarta degaan doorasho.

Madaxda oo maanta aan shir yeelan, ayaa la filayaa in kulan ay yeeshaan saacadaha soo socda heshiis midaysan ka gaaraan arrimaha doorashada oo isu soo dhawaansho ka gaareen.

PUNTLAND POST