Booliska Mudug oo qabtay askari Gaalkacyo ku dilay ganacsade

Booliska gobolka Mudug ee Puntland ayaa qabtay askari dhawaan Gaalkacyo dilka ka geystay oo fakaday.

Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Mudug, Muumin Cabdi Shire ayaa Puntland Post u sheegay in ninka dilka geysay oo maalmahan la daba-joogay galabta lagu qabtay degaanka Shakaal oo dhanka Waqooyi bari ka xiga degmada Jariiban ee gobolka Mudug.

Askariga oo ka tirsanaa ciidamada daraawiishta Puntland ayaa 11-kii bishan September Waqooyiga magaalada Gaalkacyo, ku dilay nin ganacsade ah oo lagu magacaabo Cabdullaahi Daahir Aadan.

Sidoo kale waxaa xiligaas labo qof oo shacab ah ku dhinteen rasaas ay isweydaarsadeen askariga dilka geystay iyo ciidamada booliska oo doonayay inay qabtaan.

Askariga dilla geystay oo tan iyo xiligaas ka maqnaa gacanta dowladda ayaa ugu dambeyn galabta lagu guuleystay in la qabto.

PUNTLAND POST