Guddoonka Golaha Shacabka oo dib u dhigay mooshin ka dhan ah kiiska Xamdi

Guddoonka Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta dib u dhigay mooshin ka dhan ah kiiska Xamdi Maxamed Faarax oo ahayd gabar ardayad ah oo la sheegay in kufsi iyo dil la isugu daray.

Qaar kamid ah xildhibaannada ayaa dalbaday in ajandaha kulankii maanta lagu daro kiiska Xamdi, si qaraar looga soo saaro, hase yeeshee guddoonka Golaha Shacabka ayaa sheegay inay marka hore xog uga baahan yihiin hay’adaha amniga.

“Ka guddoon ahaan waxaa waajibka nasaaran yahay in Golaha Shacabku helaan xog ay ku shaqeyn karaan oo su’aalo lagu weydiin karo wasiirada iyo dadka amniga qaabilsan, Xoghayaha baarlamaanka waxaan farnay inuu warqad u qoro wasaarada amniga, ayna qoraal ku soo gudbiso sida ay u dhimatay gabadhaas, markaan xogtaas helno kadib ayaa ajandaha lagu soo dari doonaa oo laga doodi doonaa” ayuu yiri guddoomiye Mursal.

Dowladda Soomaaliya ayaa weli faahfaahin dheeriya ka bixin kiiska Xamadi oo 11-kii bishan September ka dhacay degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.

PUNTLAND POST