Dagaal ka dhacay Tukaraq

Wararka ka imanaya Degaanka Tukaraq ayaa ku warramaya in xalay halkaasi uu ka dhacay Dagaal u dhexeeya Ciidamada Somaliland iyo Jabhadda la baxday Dib u xoraynta SSC oo uu hoggaamiyo Col. Faysal Falaalug.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii dabley hubaysan oo ka tirsan Jabhadda ay weerar xooggan ku qaadeen saldhig ay Ciidamada Somaliland ku leeyihiin halka lagu magacaabo Xagarrey oo ka tirsan Degaanka Tukaraq.

Somaliland iyo Jabhadda SSC ayaan midkoodna weli ka hadlin Dagaalkaas waxaana adag in xog sugan laga helo Khasaaraha rasmiga ah ee kala gaaray labada dhinac.

Jabhadda Dib u xoraynta SSC ee uu hoggaamiyo Col. Faysal Falaalug oo ku sugan Gobolka Sool ayaa inta badan weeraro gaadmo ah la beegsata Ciidamada Somaliland.

PUNTLAND POST