Muxuu ahaa u jeedka kulanka Goodax Barre iyo heesaa Sharma Boy?

Wasiirka Waxbarshada dowladda federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa maanta la kulmay Sharma Boy oo ah heesaa da’yar oo saameyn ku leh dhallinyarada Muqdisho.

Goodax Barre ayaa ka codsaday heesaa Sharma Boy inuu fankiisa u weeciyo ku baraarujinta dhallinta, ahmiyadda ay leedahay waxbarashada.

“Waxaan maanta sheekeysannay fannaanka da’da yar ee Sharma Boy oo saameyn ku dhex leh dhallinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan dhallinta Gobolka Banaadir. Waxaan ka codsaday in uu fankiisa u weeciyo ku baraarujinta dhallinta, ahmiyadda ay leedahay waxbarashada” ayuu yiri Goodax Barre.

Kadib markii siddeeed kun oo arday oo gobolka Banaadir ku nool ku dhacday imtixaankii ay qaaday dowladda federaalka ayaa koox uu kamid yahay Sharma Boy soo saareen hees ka hadlaysa shaqo la’aanta haysata dhallinyarada Soomaaliyeed ee ka qallinqabiya dugsiyada sare iyo jaamacahada.

Heesta oo baraha bulshada aad u qabsatay, ayuu Goodax Barre oo ka falceliyay ku tilmaamay mid xikmadaysan.

PUNTLAND POST