Kheyre oo ku dhawaaqay musharax madaxweyne 2021

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa shaaciyay inuu u taagan yahay xilka madaxtinimada dalka, doorashada la filayo inay dhacdo sanadka dambe ee 2021.

Kheyre ayaa qoraal uu ku daabacay bartiiska Twitter-ka ku sheegay in fikir iyo talo wadaag dheer kadib uu go’aansaday ku dhawaaqida musharaxnimada jagada madaxweynaha Soomaaliya.

Xasan Cali Kheyre ayaa tilmaamay inuu fahansan yahay fursahada iyo caqabadaha dhow iyo kuwa fog ee la xiriira hoggaaminta dalka.

“Fikir iyo talo wadaag dheer, kaddib waxaan halkan idinkula wadaagayaa musharaxnimadayda jagada Madaxwaynaha JFS. Anigoo si dhab ah u fahamsan fursadaha iyo caqabadaha la xiriira hoggaaminta iyo waxqabadka dalkeennu u baahan yahay maanta iyo mustaqbalkaba” ayuu qoraalkiis ku yiri Xasan Cali Kheyre.

Ku dhawaaqida musharaxnimada Kheyre ayaa ku soo aadaysa, iyadoo magaalada Muqdisho uu ka furmayo shir lagu go’aaminayo hannaanka doorashada dalka ee 2020/2021.

Dad badan ayaa horey u aaminsanaa inuu Khyre u tartami doono xilka madaxtinimada, basle ku dhawaaqistiisa ayaa ku soo aaday xili xasaasiya.

Kheyre ayaa xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya si kedis ah looga qaaday 25 Luulo 2020, waxaana xilkaas horey loogu magacaabay 23 Feebaraayo, 2017-kii.

PUNTLAND POST