Shaafi Raabi oo u geeriyooday dhaawacii qaraxii Kismaayo

Guddoomiyihii rugta ganacsiga iyo warshadaha Jubbaland Shaafi Raabi Kaahin ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qarax ismiidaamin ah oo maanta lagula eegtay magaalada Kismaayo.

Qaraxa oo ka dhacay afaafka hore ee masjidka Jaamacul-qadiim, salaadii jamcaha kadib, waxaa kaloo ku geeriyooday qof kale.

Sidoo kale qaraxa waxaa dhaawacyo ka soo gaareen dad ku dhow 10 qof oo u badan rayid, kuwaas oo hadda lagu daawaynayo Cisbitaalka Kismaayo.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ka tacsiyeeyay geerida guddoomiyaha rugta ganacsiga iyo warshadaha Jubbaland Marxuum Shaafi Raabi Kaahin.

Marxuum, Shaafi Raabi wuxuu ahaa ganacsade weyn oo saameyn ku leh siyaasadda jubbaland.

Jubbaland weli faahfaahin kama bixin qarax maanta ka dhacay Kismaayo.

PUNTLAND POST