Madaafiic lagu garaacay agagaarka Villa Somalia

Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in caawa hoobiyeyaal lagu garaacay qeybo kamid degmooyinka Banaadir.

In ka badan 10 hoobiye ayaa ku dhacay degmooyinka Shangaani, Waaberi, Wardhiigley iyo Xamar Jajab, sida ay ilo dhanka amniga ah u sheegeen Puntland Post.

Sidoo kale meelaha la sheegay in ay hoobiyeyaashu ku dheceen, waxaa kamid ah agagaarka madaxtooyada oo ay degan yihiin madaxda dowlad goboleedyad iyo wadada Makka Al-Mukarama.

Ilaa hadda lama oga khasaare ka dhashay madaafiicda lagu garaacay qeybo kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Dhanka kale war ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Al-shabaab ay caawa xaafado ka tirsan Muqdisho ka rideen baaruud Dheemish ah, oo aan wax khasaaro ah geysan.

24 saac ka hor, waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay qarax ismiidaamin ah oo dad rayid ah ku waxyeeloobeen.

PUNTLAND POST