Agaasimihii warfaafinta madaxtooyada oo xil cusub loo magacaabay

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Cabdinuur Maxamed Axmed u magacaabay agaasime ku xigeenka guud ee madaxtooyada.

Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweyne Farmaajo ayaa lagu sheegay in magacaabistan ay sii xoojineyso tallaabooyinkii hore ee ku aaddanaa awoodsiinta dhallinyarada ee dhinacyada siyaasadda, hoggaaminta hay’adaha dowladda iyo ka qeybgalka dib u dhiska dalka.

“Tallaabooyinka aan dhallinyaradeenna Soomaaliyeed kaga qeyb galinayno maamulka iyo siyaasadda dalka waa kuwo muhiim u ah soo nooleynta rajadooda. Magacaabista ku xigeenka agaasimaha guud ee madaxtooyada oo mutaystay Cabdinuur waxa ay muujinaysaa sida aan dhallinyarada Soomaaliyeed uga qeyb gelinayno dhammaan heerarka sare ee siyaasadda iyo maamulka dalka.” ayuu qoraal ku yiri madaxweyne Farmaajo.

Mudane Cabdinuur ayaa ka hor xilkan ahaa agaasimaha waaxda warfaafinta xafiiska madaxweynaha iyo afhayeenka madaxtooyada, jagadaas oo hayay tan iyo sannadkii 2017 kii.

PUNTLAND POST