Sanbaloolshe waa summadda fadhiidnimada siyaasadda Muqdisho

W.Q. Xasan Mire Daahir (Xasaneey)

Muqdisho ( Faallo )  — Hadalladii Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolsjhe) ka jeediyay xaflad lagu soo dhoweynayay madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland waxay mar kale abuureen su’aalo ku saabsan siyaasiyiinta Muqdisho iyo sida ay ula jaanqaadi karaan isbeddellada dalka ka dhaca.

Sanbaloolshe oo Xildhibaan xigtay ayaa ku dooday in Maxamed Abshir Muuse iyo Cabdirisaaq Xaahi Xuseen ay Muqdisho u yimaadeen inay Cali Mahdi iyo Jeneraal Maxamed Faarax Caydiid isku diraan. Cali Mahdi iyo  Jeneraal Caydiid waxay ku loollameen awoodda siyaasadeed uu ururkiii USC abuuray.

Sanbaloolshe markuu ahaa taliyaha Nabadsugidda Soomaaliya

Maxamed Abshir Muuse wuxuu ahaa wasiir ka tirsanaa dowladdii ku meel gaar ah iyo Ra’iisal Wasaare ku xigeen. Intuu ku jiray siyaasadda Soomaaliya kaddib 1990kii wuxuu caan ku ahaa tanaasul u keenay in lagaga guuleystay tartankii madaxweynenimada markii Puntland la sameeyay 1998kii.

Cabdirisaaq Xaaji Xuseen wuxuu had iyo jeer u taagnaa nabadaynta Soomaaliya. Sanadkii 2007dii wuxuu ka soo hor jeestay farogelintii Itoobiya ku taageeraysay dowladdii ku meelgaarka ahayd. Wuu garanayay in Itoobiya aysan Soomaaliya wax ku biirin karin waayo iyadaaba ah dal  sharcigu uusan sarraynin ka sokow sida Soomaalidu u arki karto dowlad ku tiirsan ciidan Itoobiyaan ah.

Hadallada mel-ka-dhaca ah uu Sanbaloolshe goobta ka sheegay waxay mar kale muujinayaan in go’aankii dowladda Biritayn ugu diidday inuu Danjire Soomaaliyeed London ka noqdo ahaa mid sax ah. Sanbaloolshe waa diblomaasigii ugu horreeyay oo warqado u gudbiyay Boqoradda Biritayn, Elizabeth II, kaddibna dowladda Biritayn kala noqotay aqoonsigii safiirnimo. Waa dhaawac diblomaasiyadeed oo Soomaaliya soo gaaray.

Sanbaloolshe oo warqadaha danjirenimo u gudbinaya Boqorad Elizabeth 2013kii

Muqdisho waa caasimadda Soomaaliya. Weli waxaa dul saaran saamayntii dagaalladii sokeeye keeneen. Waa caasimad Sanbaloolshe u arko in ay tahay hanti beeleed ka sokow boobka iyo barokicinta lagu xalaalaystay hanti Soomaaliyeed. Gef wuu dhacaa hase ahaatee doodda Sanbaloolshe waa mid lid ku ah xaqa qofka Soomaaliyeed u leeyahay inuu dalkiisa si nabadgelyo ah ugu noolaado meel kasta oo ka mid ah dalkiisa.

Hadda ka hor Sanbaloolshe wuxuu sheegay inuu ka shidaalqaato Faysal Cali Waraabe dhanka wax uu ku tilmaamay “hadalka cad”.  Wuxuu kaloo sheegay in marxuum Maxamed Qanyare uu kula dardaarmay inuu noqdo nin hadalka cad sheega. Maxamed Qanyare wuxuu ahaa qabqable dhowr milyan oo doollar ka soo qaatay Maraykanka oo wax ka dhisay ururkii La Dagaallanka Argaggixisada ujeeddadiisu ahayd inay awooddii qabqableyaashu isu rogto awood dal shiisheeye kala shaqeeya mashruuca Dagaalka ka dhanka ah Argaggixinta (War on terror). Ururukii maxkamadaha Islaamka ayaa cagta mariyay isbahaysigii Qanyare kabiirka u ahaa.

Sanbaloolshe in madal siyaasiyiin Soomaaliyeed iskugu yimaadeen lagu martiqaado waxay summad u tahay fadhiidnimada barnaamijyada siyaasadeed ee siyaasiyiinta hadda Muqdisho lahaanshaheeda sheegta. PP©

 Xasan Mire Daahir (Xasaneey)