Ciidanka Daraawiishta Dowlad Goboleedka Jubaland, oo ay weheliyaan cutubyo ka tirsan Kumaandooska DANAB ee heer Federaal, ayaa hawlgal qorshaysan ku laayay saraakiil iyo xubno kale oo ka tirsan Al-shabaab.
Hawlgalka oo laga fuliyay Degaannada Dhisheeg-waamo, Maroodi-gubow iyo Dhaayunbow ee Gobolka Jubada Hoose, ayaa lagu dilay 14 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab kuwaas oo ay ku jiraan saraakiil sare.
Magacyada laba horjooge oo kamid ahaa dadka ku dhintay Hawlgalka, ayaa lagu sheegay horjooge Cabdi Maxamed Bashiir oo Al-shabaab u qaabilsanaa Gobolka Jubada Hoose iyo sidoo kale horjooge magaciisa lagu soo koobay Xirow.
Saraakiisha hoggaaminaysa Hawlagalkas, ayaa laga soo xigtay in sidoo kale la burburiyay dhammaan xarumihii Al-shabaab ku lahaayeen Degaannada laga fuliyay Hawlgalka.
PUNTLAND POST