Goormuu furmayaa shirka federaalka iyo dowlad goboleedyada ee Muqdisho?

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa shaacisay xiliga uu furmayo shirka dowladda federaalka iyo dowladda goboleedyada ee Muqdisho.

Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa Twitter-ka ku sheegay in 10-ka bishan September uu shir uga furmayo Muqdisho dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Cabdinuur ayaa xusay in shirkaas oo ka dhacaya xarunta madaxtooyada lagu dhameystiri doono hannaanka doorashooyinka dalka, uuna saldhig u noqon doono heshiiskii Dhuusamareeb 3.

Qoraalka agaasimaha warfaafinta Villa Somalia

Shirka ayaa dhacaya, ayadoo kala aragti duwanaan korortay ay weli u dhaxeyso madaxdii saxiixday heshiiskii Dhuusamareeb 3 iyo Puntland iyo Jubbaland oo dibad joog ka ahaa heshiikaas.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa muddo todobaad ah ku sugnaa Muqdisho, halka madaxweynayaasha Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug ay shir wadatashi ah oo ay berri ku yeeshaan Baydhabo, kadib iman doonaan Muqdisho.

Shirka Muqdisho ayaa laga sugayaa heshiis lagu mideysan yahay oo laga gaaro hannaanka doorashada dalka ee 2020/2021.

PUNTLAND POST