Golaha wasiirada xil-gaarsiin oo guddi meel mariyey

Golaha wasiirada xil-gaarsiin ayaa maanta kulan ay Muqdisho ku yeesheen ku meel mariyey guddiga madaxa bannaan ee la-dagaallanka musuq-maasuqa.

Guddigan oo ka kooban sagaal (9) xubnood waxaa soo xushay wasaaradda caddaaladda dowladda federaalka Soomaaliya, waana mid dasruuri ah oo laf-dhabar u ah howlaha baarista musuq-maasuqa ee lagu soo oogo qeybaha dowladda.

Xubnaha guddiga ayaa kala ah: Maxamed Cabdikariim Ibraahim, Avv. Cabdiweli Axmed Cumar, Dr. Xasan Khaliif Xasan, Avv. Maxamed Xuseen Xaamud, Avv. Saciido Maxamed Xaashi, Amiin Axmed Sh. Cabdiraxmaan, Cabdullaahi Sh. Abuukar, Khadar Axmed Diiriye iyo Saamiya Siciid Xuseen.

Xubnaha guddiga madaxa bannaan ee maanta goluhu meel mariyey ayaa loo gudbin doonaa baarlamaanka si ay u ansixiyaan.

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa 21/09/2019 saxiixay sharciga dhisidda guddiyada madaxa bannaan ee la dagaalanka musuq-maasuqa ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed, kabib markii baarlmanaanka federaalku meel mariyay.

Golaha wasiirada xil-gaarsiin ayaa riditaankii Kheyre kadib meel mariyey dhowr sharci oo ay diidanaayeen qaar kamid ah dowlad goboleedyada.

PUNTLAND POST