Puntland: 40 qof oo laga helay Covid-19

Wasaaradda caafimaadka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in saacadihii ugu dambeeyay degaannada Puntland laga helay 40 xaaladooda oo Covid-19.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka ayaa lagu sheegay in 72 saac ee la soo dhaafay guud ahaan Soomaaliya laga helay 52 xaaladood oo caabuqa Covid-19, oo 40 kamid ah ay ku sugan yihiin Puntland, halka 12 xaaladood oo kale laga kala helay Jubbaland, Somaliland iyo Muqdisho.

Wasaaradda caafimaadka Puntlanad ayaa ilaa hadda wax war ah ka soo saarin 40 qof ee degaanada Puntland ku sugan ee laga helay Covid-19.

Inkasta oo ay hoos u dhacday khatartii Covid-19 ee caalamka, hadana weli waa xannuun halis ah oo ka jira dunida.

PUNTLAND POST