Guddoomiyaha Guddiga ku meelgaarka ah ee doorashooyinka Puntland Guuleed Saalax Barre ayaa maanta kulan kula yeeshay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya xubno ka socda Beesha Caalamka.
Guddoomiye Guuleed Saalax ayaa la kulmay xubno ka kala socday safaaradaha Midowga Yurub, Sweden, Switzerland, Denmark iyo sanduuqa xasilinta Soomaaliya (Somali Stability Fund).
Labada dhinac ayaa iska xog waraystay dadaalada socda ee Puntland ay ugu guurayso hannaanka xisbiyada badan iyo qabsoomidda doorasho qof iyo cod oo qabsoonta sannadka soo socda ee 2021.
Beesha Caalamku ayaa bogaadisay horumarka ay Puntland ka gaartay dimuqraadiyadda oo ay ugu horrayso jiritaanka ururo siyaasadeed, kuwaas oo tartan gelidoona sannadka dambe.
Sidoo kale Beesha Caalamka ayaa ballanqaaday inay wax walba oo suuragal ah la garab istaagi doonaan Puntland si uga hirgasho hannaanka dimuqraadiyadda ee qof iyo cod.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.