Deni iyo Cabdi Xaashi oo kulmay

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kulan la qaaday guddooomiyaha golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya Senatar Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Madaxweyne Deni ayaa booqday xarunta aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna la kulmay guddoomiye Cabdi Xaashi iyo guddiga joogtadaah ee golaha, warar maxdax bannaan ayaa sheegaya in kulnka looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashada 2020/201, inkasta oo labada dhinac aysan sheegin wixii looga hadlay kulan.

Madaxweynaha Puntland waxaa booqashada aqalka sare ku wehelinayay xubno ka tirsan wafdigii u raacay Muqdisho.

Madaxweyne Deni ayaa shalay kulan la qaatay madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, Shariif Xassan Sheekh Aaden, Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo xubno ka tirsan xisbiyada mucaaradka.

Dhanka kale waxaa xalay baaqday kulan ay yeelan lahaa madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbanad, kaas oo horey u shaacisay Villa Somalia.

Warar iskhilaafsan ayaa ka soo baxaya baaqashada kulankaas, wararka qaar ayaa sheegaya in kulanku uu u baaqday shuruudo ka yimid iyo Puntland iyo Jubbaland, halka warar kalana tilmaamayaan inuu u qabsoomi waayay maqnaashaha madaxweynayaasha kale ee dowlad goboleedyada.

Ma jiro wax war ah oo weli ka soo baxay labada dhinac ee dowladda federaalka iyo Puntland iyo jubbaland.

PUNTLAND POST