Cumar Filish: Deni iyo Axmed Madoobe ma keenin qodob ay ku duraan heshiiskii Dhuusamareeb 3

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Filish ayaa sheegay in madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland aysan keenin qodob ay duraan heshiiskii Dhuusamreeb 3.

Cumar Filish oo xalay hadal ka jeediyay munaasabad lagu xusayay sanad guuradii kowaad ee ka soo wareegtay markii loo magacaabay xilka uu hayo ayaa yiri “Kuwii ka biyo diiday heshiiskii Dhuusamareeb 3 ee aan maanta ku soo dhaweynay Muqdisho ma aynan keenin qodob ay ku duraan heshiiskaas, basle inay soo dhaweeyaan waa ka af-gobaadsadeen, taas waxaan rajeynayaa in lagaga gudbo kulanka Muqdisho”.

Sidoo kale Cumar Filish ayaa tilmaamay in madaxda dowladdu ay markii hore rabeen inay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, basle culeys uga yimid saamileyda siyaasadda sababtay in la qaato nooca doorasho ee lagu gaaray Dhuusamareeb 3.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbland ayaa diiidan qaar kamid ah qodobadii ka soo baxay shirkii Dhuusamareeb 3 oo aysan ka qeybgalin, waxaana kamid ah kuwa ay diidan yihiin guddiga la sheegay inuu maamulayo doorashada.

Madaxweynaha dowladda federaalka iyo madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa saacadaha soo socda shir uga furmayaa Muqdisho, kaas oo lagu turxaan bixinayo heshiiskii Dhuusamareeb 3.

PUNTLAND POST