Xog: Somaliland oo qorshaynaysa in ay si xeeladaysan ku qabsato Degmada Boocame

Warar hoose ayaa ka soo baxaya kulan qarsoodiya, oo sabtidii dhexmaray mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland iyo Saraakiil ciidan oo ka soo jeeda gobolka Sool, kaas oo looga hadlay arrima xasaasiya.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed iyo Taliyaha Ciidamada Gen. Nuux Ismaaciil Taani, oo sabtidii kulan qarsoodiya Hargeysa kula yeeshay Saraakiil ciidan oo ka yimid gobolka Sool, ayaa kala hadlay sida ugu fudud ee Somaliland ku qabsan karto degmada Boocame ee gobolka Sool.

Wasiirka Kaahin, ayaa u sheegay saraakiisha ka soo jeeda gobolka Sool, in wakhtigan aan loo baahnayn dagaal toos ah oo dhexmara Puntland iyo Somaliland, maadaama sida uu xusay labada dhinac uu ka dhexeeyo heshiis nabad-gelyo, balse loo baahanyahay in la abaabulo ciidamo xooggan oo degaanka ah, kuwaas oo Puntland ka fara-maroojiya degmada Boocame.

Gen. Taani, oo isna hadal kooban u jeediyay saraakiisha, ayaa sii xoojiyay hadalka Wasiirka, isagoo ka dalbaday saraakiisha in ay abaabulaan ciidamo degaanka ah, oo ku hawlgala magaca Somaliland, si degmada Boocame u gasho gacanta Somaliland.

Labada mas’uul, waxay sidoo kale saraakiisha reer Sool u sheegeen, in abaabulka loo ekaysiiyo mid ka yimid dadka degaanka oo taageersan Somaliland, balse laga ilaaliyo in uu u muuqdo mid Somaliland abaabushay.

Ugu dambayntii, saraakiisha reer Sool ayaa ballan-qaaday in ay ku dhaqaaqi doonaan abaabulka iyo diyaarinta hawshaas, waxaase ay dalbadeen kharashkii lagu fulin lahaa qorshaha, kaas oo mas’uuliyiinta Somaliland ballan-qaadeen.

Kulanka labada dhinac, ayaa la sheegay in ay abaabuleen mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland oo ka soo jeeda gobolka Sool, inkastoo aysan ka qayb-gelin, taas oo lagu micneeyay in uu jiray kulan hore u dhexmaray mas’uuliyiinta reer Sool iyo Wasiir Kaahin oo looga hadlay arrimahan.

PUNTLAND POST