Golaha xukuumadda Puntland oo ansixiyey xeer

Golaha xukuumadda Puntland ayaa maanta oo Sabti ah shir ku yeeshay xarunta wasaaradda maaliyadda ee magaalada Garowe.

Shirka waxaa guddoomiyey madaxweyne Deni, waxaana lagu ansixiyey xeerka isgaarsiinta Puntland, oo ay soo gudbisay wasaarada warfaafinta, iyadoo la sheegay in xeerkani uu wax ka baddeli doono habka ay u shaqeyso isgaarsiinta Puntland iyo sida ay ula tacaamusho dowladdu.

Sidoo kale shirka waxaa looga hadlay amniga guud Puntland, dhisidda goleyaasha degaanka ee degmooyinka Galdogob iyo Bursalaax, xaaladda Ayaxa, midaynta akoonada dowladda, dib u habaynta mushaarka shaqaalaha iyo dhismaha garoomada kubadda cagta Puntland, waxaana shirka warbixino ka jeediyay wasaaraha arrimahaasi quseeyaan.

Shirka golaha xukuumadda Puntland oo horey loo qaban jiray Khamiista, ayaa todobaadkii hore u baaqday shirkii Garowe uga socday Puntland iyo Jubbaland.

PUNTLAND POST