Puntland oo war rasmiya ka soo saartay Markab ku sugan xeebta Guardafui ee Puntland

Xukuumadda Puntland, ayaa markii u horraysay war rasmiya ka soo saartay, Markab ku sugan mersada Degmada Bareida oo ku taalla Raasiga Gacanka Guardafui ee Puntland.

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland, Eng Maxamuud Xaaji Saalax, oo wareysi gaar ah siiyay Puntland Post, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegaya in Burcad-badeed ay af-duubteen Markabkaasi.

Wasiirka ayaa sheegay, in Markabka Xamuulka ah oo ka yimid Waddanka Imaaraadka Carabta uu shidaal u siday Magaalada Muqdisho, islamarkaana laga leeyahay Dalka Panama, uuna siday 20 shaqaale ah.

Eng Maxamuud Xaaji Saalax, ayaa xusay in Markabka oo mudda ku wareegayay Xeebta laga shakiyay sidaasna Ciidan loogu diray, balse markii dambe la xaqiiqsaday in uu yahay Markab ganacsi cilladoobay.

Hoos ka daawo wareysiga oo dhan

PUNTLAND POST