Hay’adda KAALO oo tababar u qabatay Qoxootiga Yemeniyiinta iyo Magan-gelyo doonka Itoobiya ee ku sugan Qardho

Hay’ada Kaalo oo inta badan ka shaqaysa arrimaha qaxootiga iyo mashaariicda kale ee la xiriirta arimaha bini’aadanimada iyo u qareemida dadka nugul ayaa maanta magaalada Qardho tababar uga furtay 25 qof oo isugu jirra qaxootigga Yamaniyiinta iyo dadka magan-galyo doonka ah ee ka soo baxsaday Itoobiya.

Tababarkaan ayaa waxaa kasoo qayb-gallay Wakiilka Wasaarada Arimaha Gudaha Gobolka Karkaar waaxda qaxootiyadda iyo madaxda hay’adda KAALO ee Gobolka Karkaar, iyo ka faa’iidaystayaasha.

Tababarkaan ayaa ahaa mid ka soo qeyb galaasha looga wacyi gelinayey tacadiyada ka dhanka ah dumarka iyo carruurta (GBV).

Ugu horeyn waxaa tababarka furay Cabdi-jaliil Siciid Xaashi oo ah madaxa KAALO ee Gobolka Karkaar, waxa uuna sheegay in tababarkan uu muhiim u yahay qaxootiga ku nool magaalada Qardho, taasi oo u horseedi karta in ay ka fogaaadaan tacadiya ka dhanka ah dumarka iyo carruurta.

Barkhad Xaamud Wakiilka Wasaarada Arimaha Gudaha Puntland Gobolka Karkaar Waaxda Qaxootiyadda ayaa xusay in KAALO ay u taagan tahay in dadka qaxootiga wacyi gelin u sameyso, isla markaana difaacyo xuquuqdooda.

Hay’ada Kaalo ayaa inta badan ka shaqaysa sidii qaxootiyadda loo bari lahaa xaquuqdooda, sidoo kalena loo siin lahaa kaalmo sharci hadii iyagga wax dhibaato ah loo gaysto.

Hoos ka eeg Sawirada Tababarka

PUNTLAND POST