Madaxweyne Deni oo dib ugu laabtay Garoowe

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo wefdi uu hoggaaminayo, oo safar shaqo maalmahan ugu maqnaa Waddanka  Jabuuti, ayaa Maanta oo Axad ah dib ugu soo laabtay Caasimadda Garoowe.

Madaxweyne Deni, waxaa Garoonka Diyaaradaha Garoowe ku soo dhoweeyay Madaxweyne ku xigeenka, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada iyo labadiisa ku xigeen, xubno ka tirsan Golayaasha Dowladda, Maamulka Gobolka Nugaal, kan Degmada Garoowe iyo Sarakiil ciidan.

Madaxweynaha Puntland ayaa Garoowe uga sii gudbi doona Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, halkaas oo uu kaga qayb-geli doono Shirka Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Dalka.

Shirka Madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed uga furmaya Dhuusaamareeb, waxaa diiradda lagu saari doonaa xaaladda Siyaasadeed ee Dalka, gaar ahaanna Marxaladda kala guurka ah iyo Arrimaha Doorashada soo socota.

PUNTLAND POST