Barcelona oo si fool xun looga reebay tartanka kooxaha Yurub

Kooxda Barcelona ayaa siddeed dhammaaadka tartanka kooxaha Yurub (Champions League), kala kulantay jab lama ilaawaan ah, kadib markii ay Bayern Munich 8-2 ugu awood sheegatay.

Kulan labada kooxood ayaa ka dhacay magaalada Lisbon ee dalka Portugal, wuxuu ahaa hal kulan oo kooxda badisa ay ugu baxaysay afar dhammaadka Champions League, maadaama uu tartankan dib u dhac ku keenay musiibadii Coronavirus.

Philippe Coutinho oo Barcelona amaah kaga maqan iyo Thomas Muller ayaa kulanka dhaliyay min labo gool, halka Lewandowski, Perisic, Gnabry iyo Kimmich ay min hal jeer shaqaba soo taabteen.

Bayern Munich ayaa si layaableh ugu soo baxday afar dhamaadka tartanka xiisaha iyo xamaasada badan ee Champions league, markii ay bahdilaadii ugu xumayd u xambaariyeen Barcelona.

Waa markii ugu horreysay oo guuldarro intaas le’eg ay Barcelona ka soo gaarto tartanka kooxaha Yurub ee Champions league.

Barcelona ayaa laga yaabaa inay fadeexadan awgeed ku cayriso tababaraha kooxda Setien.

PUNTLAND POST