Xiisad ka dhex qaraxday Turkiga iyo Giriiga

Dowladda Giriiga ayaa ugu baaqday Waddanka Turkiga in uu dib ugala baxo Markab ka yimid deked ku taalla Turkiga kaasi oo sahan qodid shidaal ka samayn doona bariga badda Mediterranean-ka.

Xiisadda u dhaxeysa labada dal ayaa marar hore sare u kacday,balse murankan hadda ayaa ku saabsan keydka Gaaska ee badda waxaana  laga cabsi qabaa in xiisadda ay cirka isku sii shareerto.

Kadib markii Dowladda Turkiga ay bishii July shaacisay in Markab baaritaan shidaal sameeya ay genayso jasiiradda Kastellorizo waxaa murankii ka dhashay markii hore xalisay dowladda Jarmalka oo haatan haysa jagada madaxwaynaha Midowga Yurub.

Labadan dalka oo ka wada tirsan gaashaanbuurta Nato ayaa waxay is waydaarsadeen hadalo dhiilo xambaarsan.

Dowladda Giriiga ayaa wacad ku martay in ay difaci doonto madaxbanaanideeda islamarkana midowga Yurub oo ay Gariiga xubin ka yihiin ayaa wadaxaajood ku baaqay.

PUNTLAND POST