Hoggaamiyihii Ikhwaanul Muslimiinka Masar oo xabsiga ku geeriyooday

Hoggaamiyihii Jamaacada Ikhwaanul Muslimiin ee Waddanka Masar Essam al-Erian ayaa Maanta oo Khamiis ah ku geeriyooday Xabsi ku yaalla Magaalada Qaahira sida laga soo xigtay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Masar.

Marxuumka oo da’diisu ahayd 66 sano jir ayaa Xabsiga ugu geeriyooday Xanuunka dhanka Wadnaha oo uu mudda ka sheeganayay balse aan dhaqtar la gayn sida uu sheegay looyar ka tirsan Jamaacada Ikhwaanul Muslimiin.

Looyarka ayaa intaasi ku daray in Hoggaamiyaha geeriyooday aysan mudda lix bilood ah arag Qoyskiisa iyo Looyarada u doodaya midna kadib markii Maamulka xabsigu diiday in la booqdo sababa la xiriira faafidda Xanuunka COVID-19.

Marxuum Essam al-Erian ayaa xabsiga ku jiray tan iyo sannadkii 2013 xilligaas oo lagu xukumay xabsi dhan 25 sano oo xarig ah kadib markii lagu soo eedeeyay dhawr Qaddiyadood oo la xiriira Amniga  iyo Jiritaanka Masar.

PUNTLAND POST