Golaha Shacabka oo Maanta ka doodaya Sharciga Qareennada Soomaaliyeed

Xildhibaannada Aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Arbaco ah la filayaa in ay dood saddexaad ka yeeshaan Hinddise Sharciyeedka Qareennada Soomaaliyeed oo weli horyaalla Baarlamanka.

Fariin xalay loo diray Mudanayaasha Baarlamanka ayaa loogu sheegay in ay soo xaadiraan Kulanka Golaha  oo Ajandihiisu yahay Akhrinta saddexaad ee Hindise Sharciyeedka Qareennada Soomaaliyeed kaas oo Xildhibaannadu ay mar kale dood ka yeelanayaan.

Sidoo kale Ajandaha waxaa kamid ah Akhrinta Warbixinta Guddiga Dastuurka Baarlamanka taas oo Xildhibaannadu ka doodi doonaan kadib markii ay soo akhristaan.

PUNTLAND POST