Ciidamada Miletariga Soomaaliya oo ku wajahan Degaanka Shabeellow

Cutubyo ka tirsan Ciidamada Miletariga Dowladda Soomaaliya ee ku sugan Koonfurta Gobolka Mudug ayaa lagu soo warramayaa in ay ku baxeen Degaanka Shabeellow oo qiyaastii 20KM dhanka bari kaga beegan Degmada Bacaadweyn ee Gobolka Mudug.

Degaanka Shabeellow waxaa saaka ka dhacay Dagaal culus oo dhexmaray Al-shabaab iyo Dadka Degaanka  kadib markii Malayshiyaadka Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Shabeellow inkastoo aan weli la xaqiijin Khasaara rasmiga ah ee ka dhashay Dagaalka.

Guddoomiyaha Maamulka Galmudug u qaabilsan degmada Bacaadweyn Axmed Daahir Macallin oo ka warbixiyay Dagaalka ayaa laga soo xigtay in AL-shabaab ay af-duubteen qaar kamid ah dadka Degaanka Shabeellow oo uu ku jiro wadaad caan ka ahaa Degaankaas.

Dhinaca kale Qoraal ka soo baxay Al-shabaab ayay ku sheegeen in ay la wareegeen Degaanka Shabeellow kadib markii ay Dagaal kaga qabsadeen Ciidamo ka tirsan Galmudug kuwaas oo ay ka dileen ilaa 9 askari sida ay warka u dhigeen.

PUNTLAND POST