Joseph Wu: Somaliland waxay mudan yihiin aqoonsi Caalamiya

Wakiilkii u horreeyay ee Somaliland u magacaabatay Taiwan, Maxamed Cumar Xaaji Maxamuud, ayaa jimcihii gaaray magaalada Taipei ee Caasimadda dalkaasi Taiwan.

Axaddii Shalay, Wasiirka Arrimaha Dibadda Taiwan, Joseph Wu oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa soo dhoweeyay Wakiilka cusub, waxaana uu amaan u jeediyay Somaliland, isagoo sheegay in ay mudantahay aqoonsi Caalamiya.

Wakiilka Somaliland wuxuu adkaysi u leeyahay cadaadiska Shiinaha si uu jagadiisa u qabto. Xaqiiqdii Madax-bannaanida iyo Saaxibtinimadu maaha iib. Somaliland waxay mudan yihiin aqoonsi Caalamiya” ayuu yiri Joseph Wu.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Taiwan, wuxuu xiganayay warar ay horraantii bishan Saxaafaddu qortay oo sheegayay, in Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu diiday dalab ay u soo bandhigtay Dowladda Shiinaha, in uu ku beddesho soo af-jaridda Saaxibnimada Taiwan.

Wasiir Joseph Wu, ayaa sidoo kale u mahadceliyay oo Golaha Amniga Qaranka Dowladda Maraykanka, kaas oo 10-kii bishii Luuliyo bogaadin u jeediyay Xiriirka u bilowday Somaliland iyo Taiwan.

Bishii Febraayo ee Sannadkan 2020, Somaliland iyo Taiwan oo aan midkoodna Dunida laga aqoonsanayn, ayaa kala saxiixday heshiis ku saabsan is dhaafsiga xafiisyo iyo Wakiilo Siyaasadeed, waxaase tallaabadaas ka caraysiisay Dalalka Soomaaliya iyo Shiinaha.

Taiwan waa Jasiirad yar oo ka tirsan Shiinaha, taasi oo goonni-goosad raadinaysa, balse aan Dunida meelna laga aqoonsanayn. Sidoo kale, Somaliland waa gobol ka tirsan Waqooyiga Soomaaliya oo isna ictiraaf doon ah.

Halkaan ka akhriso Warbixin ay qortay Taiwan News

PUNTLAND POST