Puntland: Mas’uuliyiin ka hadlay dagaalkii Gaalkacyo

Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland ayaa ka hadlay dagaal maanta ka dhacay Gaalkacyo oo ku geeriyooday Taliyihii Madaxtooyada iyo sarkaal kale.

Wasiirka Maaliyadda Xasan Shire, Taliyaha, Wasiirka Amniga Cabdisamad Galan Abdisamad Mohamed Gallan, Taliyaha Ciidamada Booliska Gen. Cabdi Yare iyo Guddoomiyaha Gobolka Mudug Cabdiladiif Sanyare ayaa dhammaantood ka hadlay dhacdadii Gaalkacyo, waxayna sheegeen in dowladda ay ka go’antahay soo afjarida wax kasta oo lid ku ah amniga gobolka.

Mas’uuliyiintan oo hadalo ka jeediyay aas loo sameeyay labadii sarkaal ee la dilay ayaa sidoo kale shacabka gobolka iyo odayaasha dhaqanka uga mahadceliyay, sida ay dowladda ugula shaqeynayaan amniga.

Hoos ka daawo hadalada mas’uuliyiinta


PUNTLAND POST