Baarlamanka Soomaaliya oo diiday ka hadalka Hindise Sharciyeed la horgeeyay

Mudanayaasha Aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Sabtiya Kulankoodi caadiga ahaa ku yeeshay Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Ajendaha kulanka Xildhibaanada  waxaa uu ahaa Mashruuc sharci ah oo ah Akhrinta Koowaad ee Hindise sharciyeedka Dambiyada la xiriira Galmada kaasi oo laga doonayay in ay Akhrinta Koowaad marsiiyaan.

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka oo furitaanka kulankaas ka hadlay ayaa si cad u diiday in ay Akhrinta Koowaad marsiiyaan Hindise sharciyeedka Dambiyada la xiriira Galmada.

Sababta ay Xildhibaanada u diideen in ay sharcigaas akhrinta mariyaan  waxaa ay ku sheegeen in ay tahay in sharcigaas uu diinta ka hor imaanayo iyo dhaqanka Suuban.

PUNTLAND POST