Madasha Xisbiyada Muqdisho oo ka horyimid magacaabidda Golaha Adeega Garsoorka iyo hay’ada Batroolka

Madasha la baxday Xisbiyada Qaran ee ka dhisan Magaalada Muqdisho ayaa ka horyimid magacaabidda Golaha Adeegga Garsoorka iyo hay’adda Batroolka Soomaaliya oo ay magacaabeen Golaha Xukuumadddii dhacday ee Xil-gaarsiinta ah.

War-murtiyeed ka soo baxay Madasha ayaa lagu sheegay in Golaha Xukuumaddii dhacday aysan awood sharciyeed u haysan magacaabidda Golaha Adeegga Garsoorka iyo hay’adda Batroolka Soomaaliya midna sidaasi darteedna ay sharci-darro ku tallaabsadeen.

War-murtiyeedka waxa lagu xusay in Golaha Xukuumadeed ee xil-gaarsiinta ah aysan lahayn awood sharciyeed oo ay ku go’aamin karaan meel-marinta guddi Dastuuriya oo ay horay uga gaabiyeen magacaabistiisa.

Dhinaca kale Madashu waxay soo dhowaysay magacaabidda Guddiga Farsamo ee dhammaystirka Natiijada Shirkii Dhuusamareeb si heshiis siyaasadeed looga gaaro Hannaanka Doorashada soo socota.

Hoos ka akhriso War-murtiyeedka

PUNTLAND POST