Kumaandooska DANAB oo dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-shabaab

Ciidanka Kumaandooska Dowladda Federaalka Soomaaliya ee loo yaqaano DANAB ayaa hawlgal qorshaysan ku dilay sarkaal sare oo ka tirsan Al-shabaab iyo xubno kale oo la socday sida ay ku warrantay Wakaaladda SONNA.

Wakaaladda oo xiganaysa Taliyaha Guutada 16-aad ee Kumaandooska DANAB Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa sheegtay in hawlgalkaasi laga fuliyay Degaanka Koban oo ka tirsan Gobolka Jubada Hoose.

Sarkaalka laga dilay Al-shabaab oo magaciisa lagu soo gaabiyay Cali Garweyne ayaa sidoo kale lala dilay afar xubnood oo ilaalo u ahayd.

Taliyaha ayaa sheegay in ay wadada u dhexaysa Jamaame iyo Kismaayo  ka soo saareen Miinooyin ay galiyeen Malleeshiyaadka Al-Shabaab,si ay dhibaato ugu gaystaan.

PUNTLAND POST