Hirshabeelle: Duqii Magaalada Beledweyne oo xilka laga qaaday

Duqii xilka laga qaaday

Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa xilka qaadis ku sameeyay Duqii degmada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan Safiya Sheikh Xassan Jimcaale.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle oo ku taariikhaysan 30-kii July 2020 ayaa xilka looga qaaday marwo Safiya waxaana xilkaasi loo magacaabay Nadar Tabaax Maalin.

Wareegtada ayaa lagu xusay in isbeddelkan loo sameeyay si loo dardar geliyo hawlaha ka socda Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka hiiraan waxaana hay’adaha Amniga iyo Shacabka Beledweyne lagu amray in ay la shaqeeyaan Duqa cusub.

Halkan ka akhriso wareegtada

PUNTLAND POST