Ururada Bulshada Rayidka ah oo ka horyimid magacaabid ay sameeyeen Golaha Wasiirada Soomaaliya

Isu-tagga ay ku midaysan yihiin Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed, oo ka kooban dhammaan Dowlad Goboleedyada Dalka iyo Gobolka Banaadir, ayaa ka horyimid Magacaabista ay sameeyeen Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilka sii haya, kadib markii laga qaaday Kalsoonida.

War-saxaafadeed ka soo baxay Isu-tagga Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed, ayaa lagu sheegay in Golaha Xukuumaddii dhacday aysan awood u lahayn, in ay magacaabid sameeyaan ,islamarkaana wixii ay magacaaban uu sharci-darro yahay, maadaama iyaga laftoodu aysan sharciyad haysan, balse ay xilka ku simayaan Xukuumadda dhalan doonta.

War-saxaafadeedka, ayaa sidoo kale sharci-darro ku tilmaamay Golaha Adeega Garsoorka iyo hay’adda Batroolka Soomaaliya, oo ay maalmo ka hor magacaabeen Golaha Xukuumaddii laga qaaday kalsoonida ee xilka weli sii haya.

Sidoo kale, Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed, waxay ku baaqeen in macaabidda Golaha Adeegga Garsoorka iyo hay’adda Batroolka Soomaaliyeed loo dhaafo xukuumadda cusub ee dhalan doonta, maadaama Golaha Xukuumadda haatan talada sii haya aysan sharciyad ku fadhin.

Halkaan ka akhriso War-saxaafadeedka

PUNTLAND POST