Ma waxbaa iska baddelay mowqifkii Madasha Xisbiyada Qaran?

Madaxweynihii hore ee dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si faahfaahsan uga warbixiyey kulan dhawaan dhexmaray Guddoonka Golaha Shacabka iyo Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran, kaas oo qabsoomay 28 bishan.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in uusan jirin wax ajande siyaasadeed ah oo Guddoonka Golaha shacabku u waday Madasha Xisbiyada Qaran sidoo kale aysan jirin wax ajande ah oo Madashu ay u dhiibtay Guddoonka Golaha shacabka.

“Waxaan rabaa inaan faahfaahiyo kulankii dhawaan ay madashu la yeelatay guddoonka Golaha shacabka kaas oo dad badan ay ii soo weydiyeen siyaabo kala duwan, walaalayaal waxaan rabaa in aan idin xaqiijiyo in aysan jirin wax fariin ah oo uu noo siday Guddoonka annaguna aanan u dhiibin wax fariin ah”

“Guddoonka Golaha Shacabku Madaxda Qaranka ayey ka mid yihiin madaxduna wey kulmi karaan weyna wadatashan karaan balse ma jrin wax gaar ah oo annaga iyo Guddoonku aan u kulannay sababtoo ah horay ayaan sidaan oo kale u kulmi jirnay” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Mudane Xassan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in uusan is baddelin mowqifka Madasha ee ku saabsan doorashooyinka, “waxaan rabnaa in dalkaan ay ka dhacdo doorasho waqtigeeda ku dhacda heshiisna lagu yahay, waxaana aaminsanahay in la gaari karo haddii talooyinka aan soo jeedineyno la raaco” ayuu hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyn Xasan Sheekh ayaa bogaadiyey natiijooyinkii lagu gaaray shirarkii dhawaan ka dhacay magaalada Dhuusamareeb, wuxuuna ku baaqay in la ballaariyo watashiyada siyaasadeed, si looga gaaro natiijo wax ku ool ah.

PUNTLAND POST