Golihii la riday oo Guddi ansixiyay

Kusimayaasha Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay xubnaha Guddiga farsamada heer Federaal iyo heer dowlad goboleed ee ka baaraan degaya nooca doorashooyinka dalka 2020/2021.

War ka soo baxay xafiiska Kusimaha Ra’iisul Wasaaraha Mahdi Guuleed ayaa lagu sheegay in si aqlabiyad leh lagu meel mariyay Guddigan oo ka kooban 16 xubnood oo 6 kamid ah ay ka imaanayaan dowladda Federaalka iyo maamulka gobalka Banaadir, halka10 xubnood oo kalana min 2 xubnood ka imanayaan dowlad goboleedyada.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu xusay in Xukuumadda ay fartay xubnaha Guddiga in shaqada loo igmaday si degdeg ah u gudagalaan.

Puntland, Jubbaland iyo Hirshabeelle ayaa horey u magacaabay min 2-dooda xubnood ee Guddiga farsamada.

Qodobka 5aad ee war-murtiyeedka shirka Dhuusamareeb 2 oo ay ka qayb galeen madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa lagu shaaciyay sameynta guddi farsamo oo ka baaraan dega nooca doorasho ee Soomaaliya ka dhacaysa 2020/2021.

Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa 15-ka bisha soo socota ee Agoosto ku ballansan shirka Dhuusamareeb 3, inkasta oo ay walaac ka muujisay Puntland, kadib xilka qaadistii Xasan Cali Kheyre.

PUNTLAND POST