Dowladda Soomaaliya oo shaacisay xiliga dib loo furayo duullimaadyada dibada

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay xilliga rasmiga ah ay dib u furayso duullimaadyada dibada.

Golaha Wasiirrada ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho waxay ku ogolaadeen in dib loo furo dhammaan adeegyadii loo hakiyay sababo la xariira faafitaanka Feyruska Karoona.

Golaha Wasiirada ayaa shaaciyay in duullimaadyada heerka Caalami ee dalka dib loo billaabayo Agoosto 03, 2020, sidoo kalana waxaa goluhu ogolaaday Iskuulaadka iyo Jaamacadaha dalka in dib loo furo Agoosto 15, 2020.

Dib u furidda dhammaan adeegyada ayaa golohu ku macneeyay saameynta xanuunka COVID-19 oo hoos u dhacay, waxaana goluhu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka taxadaraan wareegga labaad ee COVID-19.

PUNTLAND POST