Beesha Caalamka oo war ka soo saartay arrimaha ka soo cusboonaaday Soomaaliya

Saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa walaac xooggan ka muujisay go’aankii Baarlamaanka ee xilka qaadistii Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

War-saxaafadeed wadajir ah oo ka soo baxay Austria, Belgium, Boqortooyada Midowday ee Britain/Ingiriiska, Canada, Denmark, Dowladda Maraykanka, Faransiiska, Finland, Holand, Ireland, Japan, Jarmalka, Kenya, Midowga Yurub, Norway, Poland, Qatar, Spain, Sweden, Switzerland, Talyaaniga, Urur Goboleedka (IGAD), Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka, iyo Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in tallaabada ay qaaday dowladda dhexe ay caqabad ku noqon karto geeddi socodka nabadeed ee dalka Soomaaliya.

Beesha Caalamka ayaa ka digtay in la carqaladeeyo doorashooyinka soo aaddan iyo guulaha laga gaaray arrimaha horumarka Soomaaliya.

Sidoo kale Beesha Caalmaka ayaa ku baaqday in wadatashiyo loo dhan yahay oo ballaaran laga yeesho noocyada doorasho ee sannadka 2020/2021.

Hoos ka akhrido war-saxaafadeedka Beesha Caalmaka

Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka waxay muujinayaan walaacooda iyo rajada adag ee ay ka qabaan in arrimaha siyaasadeed ee dhowaan soo kordhay, oo ay ku jirto arrintii ka dhacday Baarlamaanka Federaalka, aanay wiiqi doonin dadaallada loogu jiro is-faham siyaasadeed oo wadar-ogol ah oo laga gaaro doorashooyin waqtigooda ku dhaca, oo aanay carqaladayn doonin ajendaha dib-u-habaynta Soomaaliya, ama aanay abuuri doonin xasillooni darro dib u dhac ku keeni karta guulihii ilaa iyo hadda laga gaaray arrimaha hortabinta u leh qaranka.

Saaxiibadu waxay si joogto ah ugu baaqeen wadatashiyo loo dhan yahay si heshiis sal-ballaaran looga gaaro noocyada doorasho ee sannadka 2020ka. Taasi waa sababta ay u soo dhoweeyeen go’aannadii ay madaxda Dowladda Federaalka iyo madaxda Dowlad Goboleedyadu ku gaareen magaalada Dhuusamareeb 22kii Luulyo, taas oo ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday si loo gaaro yoolkaas.
 
Saaxiibada caalamku waxay ka filayaan in madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyadu ay ixtiraamaan heshiisyadii lagu gaaray magaalada Dhuusamareeb 22kii Luulyo iyo jadwalka waqtiyaysan ee shirarka lagu sii ambaqaadayo arrimahaas, la iskuguna keeno Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, hoggaanka Baarlamaanka Federaalka, xisbiyada siyaasadeed iyo wakiillada bulshada rayidka ah. Isku-day kasta oo ka yimaada hal dhinac oo ka mid ah saamilleyda oo isku daya inuu keligiis dadka kale ku qasbo noocyo doorasho wuxuu noqon doonaa mid aan sharciyad lahayn lamana dhaqangelin karo haddii uusan helin taageerada lagama maarmaanka ah ee saamilleyda kale. Saaxiibadu waxay si dhow ula socon doonaan waxyaabaha dhici doona ee soo socda. In go’aan lagu gaaro u-heelanaanta arrimaha qaran ee hortabinta leh ee lagu heshiiyay iyo in arrimaha lagu xalliyo wadahadal iyo isu-tanaasul waxay muhiim u yihiin sii socoshada taageerada caalamiga ah ee la siiyo Soomaaliya ee heerarka hadda ay tahay.
 
Saaxiibadu waxay ku baaqayaan in si dhakhso ah loo soo magacaabo dhammaan xubnaha DFS-DXF uga mid noqonaya Guddiga Farsamada, waxayna diyaar u yihiin inay fududeeyaan hawsha Guddiga, si hawshaas loogu soo dhamaystiro muddada labada toddobaad ah ee lagu heshiiyay, taas oo ka soo billaabanaysa taariikhda shirkii  Dhuusamareeb.

*Austria, Belgium, Boqortooyada Midowday ee Britain/Ingiriiska, Canada, Denmark, Dowladda Maraykanka, Faransiiska, Finland, Holand, Ireland, Japan, Jarmalka, Kenya, Midowga Yurub, Norway, Poland, Qatar, Spain, Sweden, Switzerland, Talyaaniga, Urur Goboleedka (IGAD), Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka, iyo Qaramada Midoobay*

PUNTLAND POST