Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed oo ka kala socda dhammaan Dowlad Goboleedyada Dalka iyo Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay si taxaddar leh u soo dhowaynayaan War-murtiyeedkii ka soo baxay Shirkii Dhuusamareeb.
War-saxaafadeed ka soo baxay Isutagga Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ayaa lagu soo dhoweeyay Wada-hadallada u bilowday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah si loo dardar geliyo Geeddi-socodka Dowladnimada Soomaaliya.
Sidoo kale Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed waxay ku baaqeen in laga dhabeeyo Fulinta Heshiiska Dhuusamareeb islamarkaana si dhakso ah loo magacaabo Guddiga Farsamo ee Tala-soo jeedinta Arrimaha Doorashada.
Dhinaca kale waxay Guddiga Farsamo u soo jeediyeen in ay la tashiyo la sameeyaan Saamileeyda Siyaasadda Dalka iyo Khubarada dhanka Sharciga ah si loo helo fikrad mugleh oo ay ka wada qayb-qaataan Bulshada.
Halkaan ka akhriso War-saxaafadeedka

PUNTLAND POST