Kulankii kowaad ee Shirka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada oo Dhuusamareeb ka furmay

Kulankii kowaad ee Shirka Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada Dalka, ayaa Maanta oo Isniin ah si rasmiya uga furmay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Kulankaas ayaa dhexmaraya Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Galmudug  Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowladdaha xubnaha ka ah ayaa isugu yimi Dhuusamareeb, si ay uga wadatashaan arrimaha masiiriga ah ee dalka sida Doorashadda 2020/2021.

PUNTLAND POST